Khabiir Maraykan Ah Oo Safiirka USA Ee Soomaalida Ku Canaantay Inuu Ka Gaabiyay Taageerada Somaliland
March 27, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa safiirka Maraykanka ee Soomaalida danjire Donald Yamamoto ku canaantay sida uu uga gaabiyay inuu Somaliland socdaal ku yimaado, iyadoo ay xaaladeeda nabadgelyo tahay mid sugan oo ammaan ah.
Mrichael oo baahiyay qormo dheer oo uu kaga hadlay qorsheyaasha Maraykanka ee ku waajahan Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu dhawaan socdaal ku tagay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Borama iyadoo aanay ciddi ilaalinaya.