Masuul Uhadlay Xisbiga Kulmiye Oo Xisbigiisa Ka Difaacay Dhalliilo Uga Yimi Xisbiyadda Mucaaridka
March 27, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa difaacay khudbad sannadeedkii uu Madaxwayne Muuse Biixi ka jeediyay fadhi ay iskugu yimaadeen labada gole ee baarlamaanka Somaliland.
Gudoomiye Axmed Cabdi dheere oo la hadlayay warbaahinta, ayaa sheegay inaanay lahayn khudbadii madaxwayne Muuse Biixi meel la dhaliilo
“Khudbadii Madaxwaynaha ee khudbad sanadeedka ahayd Madaxwaynuhu waxa uu yimid wakhitgeedii waanu jeediyay, waaxaanu kaga hadlay wixii uqabsoomay mudadaa sannadka ah iyo mustaqbalka waxa uu damacsanyahay, waxaan arkayay xisbiyada mucaaradka ah oo ka hadlayay dhaliilayayna Khudbadaa, wax la dhaliilana may ahayn” ayuu yidhi.