Maxay Kaga Wada-hadleen Shir Deg Deg Ah Oo Abiy Ahmed La Yeeshay Madaxda Axmarada iyo Tigreega?
March 27, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Warar hoose oo kasoo baxay xarunta Madaxtooyada dalka Itoobiya ee magaalada Addis Ababa, ayaa sheegaysa in Ra’iisal wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed uu shir qarsoodi ah layeeshay madaxda labada deegaan ee Axmarada iyo Tigreega.
Shirkan oo la sheegay inuu ka dhacay xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Abiy Ahmed, ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu saraysa deegaanka tigreega oo uu hogaaminayo Madaxwayne Dr. Debretsion Gebremichael iyo madaxda deegaanka Axmaarada oo uu hogaaminayo Madaxwayne Dr. Ambachew.