Xukumada Denmark Oo Oo Soosaaray Sharci Cusub Oo Dhalashada Muwaadinimo Ka Celinaya Caruurta Ay Dhaleen Dadka Kooxaha Xagjirka Ah Ku Biira
March 28, 2019 - Written by admin
Denmark(Berberatoday.com)-Xisbiga Folkeparti iyo Dowlada Denmark ayaa isku raacay heshiis cusub oo dhigaya in Basaboorka Muwaadinimo laga ceshtay caruurta yar yar ay dhaleen dadka ku biiray kooxaha Argigixisada ee IS kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya wadamada Qaarada Yurub iyo Wadanka Denmark.
Sharciga ayaa dhigaya in qofka ku biiray kooxaha IS marka uu caruur ku soo dhalo dalka dibadiisa aysan caruurtaasi aysan heli karin dhalashada Dalka waxana heshiiskaasi baahiyay warbaahinta gudahaha ee Denmark.
Horay Caruurta ay dhalaan kooxaha ka tirsan Argigixisada ayaa sharcigooda u heli jiray si toos ah lakin hada sharcigaasi ayaa dhamaaday sida uu sheegay wasiirka is dhexgalka dowlada Denmark.