berberatoday.com
Dowladda Sacuudiga ayaa war qoraal ah ka soo saartay tallaabada uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in buuraha Golan Heights yihiin dhul ay Israel leedahay.
March 28, 2019 - Written by berberatoday berberatoday

Dowladda Sacuudiga ayaa war qoraal ah ka soo saartay tallaabada uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in buuraha Golan Heights yihiin dhul ay Israel leedahay.

Shalay oo Isniin aheyd ayuu madaxweyne Trump u aqoonsaday, uguna saxiixay xilli ay wada joogeen r/wasaaraha Israel in buurahaasi ay qeyb ka yihiin dhulka Israel, walow Qaramada Midoobay eysan arrinkaasi ku raacsaneyn.

Donald Trump ayaa maalmo ka hor sheegay in  la gaaray wakhtigii Maraykanku uu u aqoonsan lahaa in Israa’iil ay u madaxbannaantahay buuraha Golan Heights, kuwaas oo ay uga qabsatay Suuriya dagaalkii lixda maalmood socday ee sannadkii 1967-dii.

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu taariikh sameeyay.

Mr. Trump ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray qoraal uu ku taageerayo falkan, waxaana uu ku yiri:

” – Waxaa la gaaray 52 sano kadib xilligii dowladda Mareykanka ay si buuxda ugu aqoonsan laheyn in buulaha Golan Heights ay qeyb ka yihiin dhulka Israel”.

Dhulkan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa dalka Suuriya, balse waxaa xoog ku qabsatay sannadkii 1967-dii Israel oo xilligaas taageero ka heshay Mareykanka, Ingriiska iyo dowlado kale.

Horay ayaa waxaa uu madaxweyne Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Jerusalem caasimadda Israel iyadoona la wada ogyahay in ay xoog uga qabsatay dadka falastiiniyiinta ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews