“Hadii la Doonayo Wada-hadal Run ah Oo Midhodhal Noqda Waa In Marka Hore la Helaa Dhinac Sadexaad Oo Dhex Ah”Cali Guray.
March 28, 2019 - Written by admin
Yaa Xaq U Leh Go’aanka Kama Dambaysta Ah?
Wax waliba waxay ku xidhan yihiin marka hore jawaabta waydiintan: Shacbiga Somaliland xaq ma u leeyihhin inay iyagu ka tashadaan aayahooda?.Hadii jawaabta dhinaca Somaliland ay tahay way tahaye “Haa way u leeyihiin” jawaabta dhinaca Somalia-na ay noqoto “Maya uma laha”. Wada hadal siyaasadeed oo masiiri ah labada dhinaca ma wada geli karaan hadii ay wada yeeshaan-na waa halkii hore ee ahayd; midnimada Soomaaliyeed (Somaliland iyo Somalia) waa muqadas iyo maaha ee gooni-isu-taaga Somaliland ayaan gorgortan lahayn.