Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur Oo Si Adag U Beeniyey Bog Facebook Ah Oo Magaciisa Lagu Qortay, Fariina U Diray Shacabka Somaliland
March 28, 2019 - Written by admin
Siyaasi Duur Oo Si Adag U Beeniyey Bog Facebook Ah Oo Magaciisa Lagu Qortay, Fariina U Diray Shacabka Somaliland

Hargeysa(Berberatoday.com)-wasiirkii hore ee arimaha gudaha Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag u beeniyey bar lagu qoray magaciisa oo warar lagaga baahiyey.
Siyaasi Duur oo khadka telefanka ugu waramay Hadhwanaagnews ayaa si adag u beeniyey bog facebook ah oo magaciisa lagu qortay waxaanu yidhi “Waxaan Cadaynayaa inaanan lahayn bogaas Facebook ee magacayga lagu qortay, waxaanan qaybaha kala duwan ee saxaafada u sheegayaa inaan waxba laga qaadan,wixii laga qaatana aan aniga laygu matali karin shaqo-na aanan ku lahayn cida magacaas samaysatay.”