Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Cashuuro Hor Leh Oo Ay Qaadayso
March 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada horumarinta maaliyada somaliland ayaa ku dhawaaqday inay hirgelinayso cashuuro horleh oo la qaadi doono.
Bayaan ka soo baxay wasaarada horumarinta maaliyada somaliland ayaa lagu faah faahiyey cashuuraha ay haatan qorshaynayso dawladu inay qaado, waxaanu bayaankaasi u dhignaa sidan:-
“Ugu horeyn waxa wasaarada horumarinta maaliyadu ay uga mahad celinaysaa dhamaan shacbiweynaha somaliland sida hagar la,aanta ah ay uga qayb qaataan guud ahaan horumarinta dalka gaar ahaana bixinta cashuurta.