berberatoday.com
Markabkii Tahriibayaashu Afduubeen Oo Deked Malta Ku Taala Ku Xidhay
March 29, 2019 - Written by admin
Tahriib

Malta(Berberatoday.com)-Ciidamada jasiiradda Malta ayaa gacanta ku dhigay markab ah kan shidaalka xambaara oo ay afduubteen dad tahriibayaal ah oo badda laga soo badbaadiyay iyaga oo dooni la sabaynaya.

Dadkan oo kor u dhaafaya 100 qof ayaa falkan ku dhaqaaqay kadib markii lagu wargaliyay in dib loogu celin doono dalka Liibiya oo ay markii hore ka yimaadeen.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in tahriibayaasha xabsiga loo taxaabay kadib markii markabka uu baroorsinka dhigtay kuna xidhay dekada Malta.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa isna tahriibeyaasha ku tilmaamay “burcad badeeed”

Arrintan ayaa imaanaysa iyaddoo Midawga Yurub uu sheegay in uu joojinayo gaafwareegidda badda Mediterranean-ka.

Ra’isulwasaaraha Malta Joseph Muscat, ayaa sheegay in sida ay tahay loo tixgalin doono qawaaniinta caalamiga ah marka ay timaado qaabka loola macaamilayo tahriibayaasha la xidhxidhay.

Xasiina Hadjsahraoui oo ka tirsan hay’adda MSF ayaa BBC-da u sheegtay in falka ay ku kaceen tahriibayaasha ay tusaale u tahay xaaladda qar iska xoornimada iyo quusta ah ee ay ku suganyihiin dadka.

Dekeda Malta

Midawga Yurub ayaa sheegay in go’aanka ay ku soo afjarayaan hawlgalka Operation Sophia bisha Sabteembar uu ka yimid dhanka Talyaaniga.

Qorshahaas ayaana la billaabay afar sano ka hor si looga hortago dadka wax tahriibiya loona badbaadiyo tahriibayaasha raba in ay Yurub ku tagaan doomaha. Tobannaan kun ayaana lagu badbaadiyay qorshahaas.

Wakhtiyadii dambese hawlgalka ayaa diiradda saaray shabakadaha wax tahriibiya arrintaas ayaana horseeday in ay heshiis wada galaan Midawga Yurub iyo Liibiya, waxaana hoos u dhacay tirada dadkii tahriibi jiray.

Balse Salvini oo ah hoggaamiyaha xisbiga siyaasaddiisu garabka midig tahay ayaa hawlgalka Operation Sophia ku eedeeyay in tahriibayaasha la keenayo biyaha Talyaaniga.

Markabka la afduubtay

Ma cadda meesha uu ku sugan yahay hadda markabka Elhiblu oo wada in kabadan 100 ruux oo tahriibeyaal ah.

Ciidammada ilaalada xeebaha Liibiyana wali si rasmi ah oogama aysan hadlin markabka la afduubtay.

Afhayeen u hadlay milatariga Malta ayaa sheegay in aysan miro dhalin dadaallo ay ku doonayeen in ay kula xiriiraan kabtanka markabka, sida ay ku warrantay warbaahinta Malta Today.

Masuuliyiinta Malta ayaa la socda xaaladda wax kasta oo ka soo kordhi karana waan isu diyaarinay ayuu intaas ku sii daray afhayeenkaas

Dhanka kalana Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ayaa ciwaankiisa Facebook-ga ku soo qoray “dad go’doonsan ma aha ee waa burcad” in ay adeegsadaan diirad ama waynayso oo kali ah ayay Talyaaniga ku arki doonaan.”

Salvini ayaa marar badan xuddun u noqday muran caalami ah oo ka dhashay maraakiib ay soo galooti saarnaayeen oo uu u diiday in ay ku soo xirtaan xeebaha Talyaaniga.

 

 

Sources BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews