Mudaharaadyo Dad Badani Iskugu Soo Baxeen Oo Ka Socda Aljeeriya Iyo Dalab Ay Ka Rabaan Madaxweynaha
March 29, 2019 - Written by Berbera Today
Aljeris(Berberatoday.com)-Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu yimid bartamaha magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, si ay u kordhiyaan cadaadiska ay ku dalbanayaan inuu is-casilo madaxweyne Abdel Aziz Bouteflika, maalin kadib markii milatariga awoodda badan ee dalka uu ku baaqay inuu xilka ka dego.
Madaxa shaqaalaha ciidamada, Jeneral Ahmed Gaed Salah ayaa talaadadii weydiistay golaha dastuurka inuu go’aan ka gaaro in 82 jirkan xanuunsanaya uu ku habboon yahay inuu xafiiska sii hayo iyo in kale.