Dawlada Somaliya Oo Golaha Amaanka U Gudbisay Cabasho Ka Dhan Ah Safarkii Imaaraadka Ee Madaxweyne Muuse Biixi
March 30, 2019 - Written by admin
Hargeysa(BErberatoday.com)-Dawlada Somaliya ayaa la sheegay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobey u gudbisay cabasho ka dhan ah Socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta .
Warbaahinta Busiweek ee laga leeyahay dalka UGANDA ayaa baahisay inaanay dawlada Somaliya ku faraxsaneyn dhaqdhaqaaqyada ay Somaliland waddo ee Imaaraadka carabta iyo Itoobiya .
Warbaahintani waxaa ay sheegtay in Imaaraadka Carabtu doonaayo inuu balaadhiyo wada shaqeynta uu la leeyahay Somaliland .
“ Lakiin dawlada Somaliya kuma faraxsana xidhiidh-yada ganacsi ee ay Somaliland sameynayso iyo sidii rooga cas loogu soo dhaweeyey markii uu madaxweyne Biixi uu socdaalka ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya “ waxaanu intaas raaciyey in calanka Somaliland la sudhey markii uu madaxweyne Biixi halkaas booqdey .
Warbaahintu waxaa ay intaas raacisay “ Dawlada Somaliya waxaa ay golaha amaanka Qaramada Midoobey u qortey cabasho ka dhan ah dhaq dhaqaaqyada Somaliland “
Warbaahintu maa ay cadeyn nooca ay tahay dacwada ay Somaliya u gudbisay Qaramada Midoobey , mana ay soo bandhigin wax tix raac ah oo ku saabsan cabashadan Somaliya , lakiin wakiilka Somaliland ee dalka Kenya u fadhiya AMB Baashe Cawil ayaa sheegay in dawlada Somaliland ay ka xun tahay cabashada ay dawlada Somaliya u gudbisay golaha amaanka ee la xidhiidha socdaalkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Imaaraadka carabta
“ Somaliland ahaan waxanu cadeynayaa sida aanu uga xunahay cabashada ay dhawaan dawalada Somaliya u gudbisay golaha amaanka eek u saabsan socdaalkii guusha ahaa ee uu madaxweyne Muuse Biixi ku tagay dalka Imaaraadka Carabta “
Waxuu Mr Baashe sheegtay in Somaliland leedahay xuduudo caalami ah oo la yaqaano iyo dawlada Dimuqraadi ah oo la doortay , waxuuna intaas uu raaciyey inuu rajeynaayo in Somaliland iyo Somaliya iska kaashadaan arimaha amaanka iyo ganacsiga , Lakiin aaney suuro gal aheyn midnimo danbe.