Inta Badan Waddooyinka Muqdisho Oo Saaka Xidhan Iyo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka Oo Gidaarada Taagan
March 30, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Inta badan waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka oo Sabti ah xidhan, iyadoo la dhigay Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka.
Ciidamada ayaa xidhay isgoysyada sida Tarabuunka, Zoobe, Banaadir, Dabka iyo kuwa kale oo isku xidha jidadka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama, waxaana wadada bartankeeda lagu jaray gaadiidka dagaalka.
Waddooyinka qaar ayaa xalay lagu jaray dhagxaan hor leh, waxaana dhagxaanta la dhigay qeybo ka mid ah degmada Hodan.
Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay waddooyinka xidhan, waxaana dadka ahaayeen kuwo lugeynaya, sidoo kale ciidamada ayaa feejignaan gaar ah laga dareemayay.