Sucuudiga Oo Siiddaayey Dumar Ka Hadalka Xuquuqda Uxidhnaa
March 30, 2019 - Written by admin
Riyaad(Berberatoday.com)-Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Xabsga ka sii daysay Saddex Dumar ah oo ka mid ah kuwa u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda dumarka, kuwaasi oo muddo sannad ku dhow lagu hayey Xabsiga, sida ay baahisay Warbaahinta Sucuudigu.
Warbaahinta Dawladdu ma sheegin Magacyada Haweenka Xabsiga laga siidaayey, laakiin Warar ay daabaceen Warbaahin uu Wargeyska SPA ka mid yahay, ayaa waxa lagu sheegayn in haweenka la siidaayey ay kala yihiin Rokaya al-Mohareb, Eman al-Nafjan iyo , Aziza al-Youssef oo ah macalimad hawlgab ka ah Jaamacadda King Saud.