”Jabuuti Shirqool Ayey U Soo Maleegtay Somaliland ..” Siyaasi Ramaax Cali Hsyate Oo Ka Hadlay Arinka Dhiibista Axmed Cismaan Geele Ee Jabuuti”Daawo Muuqal
April 1, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha arimaha gudaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Siyaasi Ramaax ayaa waxaa uu si adag uga digay shirqool uu sheegay in dawlada Jabuuti ay u soo maleegtay Somaliland .
Ramaax ayaa sheegay in shirqoolkani uu yahay mid ay beelaha Somaliland iskugu direyso isla markaana ay dawalda Jabuuti ku ugaadhsaneyso Ganacsatada Somalilad ee dalkooda maal galiyey
“Jabuuti waxa ay la mid tahay takartii Maroodiga isku dultaagtay ee tidhi waan duulayaa ee i ogow, Somaliland waa Maroodi Jabuutina waa Takar, waxa aannu leenahay kuma ogin” Ramaax