Kulan Uu Madaxweyne Muuse Biixi La Yeelan Lahaa Salaadiinta Iyo Waxgaradka Gobolka Hawd Oo Dib Udhacay
April 1, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa dalbaday kulan uu la qaato qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Arab.
Sida ay sheegeen warar ay xog ogaal ah madaxweyne Muuse Biixi ayaa codsaday kulan lagaga hadlo arinta ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo uu la qaato haldoorka ka soo jeeda beelahaasi.
Kulanka oo wararku sheegeen inuu qorshaysnaa maanta ayaa dib u dhacay ka dib markii uu madaxweyne Muuse Biixi xubno haldoor ah oo ka soo jeeda beelaha arab ku soo wargeliyey in dib loogu dhigo kulankaasi.