Manhajka Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Darayo Barashada Dastuurka
April 1, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa doonaysa in Manhajka Waxbarashada lagu daro Barashada Dastuurka, si taa loo hirgelinaya waxa heshiis kala saxeexday Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Dastuurka oo meel-marinta arrintan ka wada shaqaynaya.
Munaasibadda heshiiska ay ku kala saxeexdeen labada laba Wasaaradood waxa ugu horreyn hadal ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo Doraad uu Madaxweynaha Somaliland xilka ka qaaday, balse aan weli xilka wareejin, waxaanu sharraxayaa heshiiska labada Wasaaradood kala saxeexdeen, waxaanu yidhi “Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa heshiis isfaham ah oo labada Wasaaradood (Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Dastuurka) ay muddo ka soo wada shaqaynayeen, kaasi oo ku saabsanaa sidii Manhajka Waxbarashada ee Somaliland in lagu daro Dastuurka oo lagu dhigto Dastuurka..”