Sadex Ruux Oo Haraad Ugu Geeriyooday Gobolka Sanaag
April 1, 2019 - Written by admin
Ceel-afweyn(Berberatoday.com)-Inta la xaqiijiyey Saddex Qof ayaa ku Geeriyooday degaanka Laas-dumeera oo hoos-taga degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.
Dadkan oo dhammaantood ahaa Dad Waayeel ah ayaa la xaqiijiyey inay u Geeriyoodeen Harraad iyo Gaajo ka dhalatay Xaalad adag oo ka taagan deegaannadaasi.
Haydh-tuulaha Laas-dumeera oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey Geerida Saddexda Qof, sidoo kalena wuxuu ka warramay Xaaladda adag ee degaankaa ka taagan, taasi oo ay ugu culus tahay biyo la’aantu.