Soomaaliya Oo Loo Fasaxay Lacag Dhan $45.7 Million Oo Gargaar Ah
April 2, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Sanduuqa Qaramada Midoobay ee gargaarka dagdega ah ee (CERF) iyo Sanduuqa Bani’aadanimo ee Somalia ayaa fasaxay lacag gaadhaysa $45.7 million dollar maanta si wax looga qabto badbaadada dadka Somalia, halkaas oo dad lagu qiyaasay 4.2 million oo qof ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo bani’aadanimo sanadkan, oo ay ku jiraan 900,000 caruur ah.
