Wargeys Caalamiya Oo Soo Bandhigay Cilaaqaad Ay Yeelanayaan Somaliland Iyo Masar
April 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa Uganda ayaa daabacay maanta warbixin uu kaga hadlay
Jamhuuriyadda Somaliland oo cilaaqaad siyaasaddeed iyo Ganacsi la yeelanaysa Dalka Masar.
Wargeysku wuxuu sheegay inwefti uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan oo imika loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Caafimaadku uu booqasho ku tagay Masar oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.