Akhriso”Qaabka Ay U Kala Qeybsadeed Qoyska Madaxweynaha Jabuuti Hantidii Axmed Cismaan U Taalay Jabuuti
April 3, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Axmed Cisman Geele, waa ganacsade u dhashay Somaliland, ganacsigiisuna ku faafay wadamada geeska Afrika. Dalka Djibouti oo kamid ah wadamada geeska Afrika ayuu ganacsade Ahmed ku lahaa toban shirkadood.
Ganacsade Axmed Cismaan oo hada ku sugan Somaliland ayaa iskaga soo baxay jabuuti Sababta uu uga baxayna ay tahay sida ilo xogogaali sheegayaan kadib markii uu iska diiday inuu saami ka siiyo shirkadihiisa qoyska kobaad ee talada Djibouti haya.
Sidaas awgeed ayaa afar kamid ah shirkadihiisii lagu wareejiyay Xubno ka tirsan qoyska Djibouti haysta, Halka lix kalena albaabada loo xidhay.
Afarta shirkadood ee ay la wareegeen xubnaha ka tirsan qoyska madaxwaynaha jabuuti ayaa kala ah: –
Shirkada Jib Events ooy lahayd xaaska Axmed Cisman, waxa qaadatay Tolmond Almis Mohamud Xayd oo ah gabadh Khadra Edo u tahay.
Xogta ayaa intaasi ku dartay in Axmed Cisman Geele hantida kaga maqan Jabuuti ay tahay hanti dhan USD128 milyan oo doolar, Oo isugu jirta guryo, dhul, warshado iyo gaadiid.
Waxa qoysku ku soo oogeen dacwad maxkamadaha Djibouti rideen laguna lunsanayo hantidaas oo dhan isaga oon marnaba loo ogolaan inuu Axmed Cisman is difaaco.
Haatan iyo maantana dacwadii ayaa loo soo xawilay Somaliland oo laga ansixiyay wasaaraddaha arimaha dibeda, cadaalada iyo xeer Ilaaliyaha guud, si qarsoodi ah, Somalilandna laga fuliyo xukun Ka dhacay dal shisheeye ah, xayiraadna la saaro warshadaha iyo hantida Axmed Cisman.
Hadaba xukunkanu hadduu Ka fulo Somaliland muxuu keeni karaa:
1) Xasilooni daro, nabadgalyo daro iyo qas iyo kala Shaki lagu abuuro shacabka Somaliland .
2) Ayadoo didinaysa maalgashiga soo socda ee caalamiga ah. tusaysana adduunka inaan cadaaladi jirin si fududna loo marsan karo xukuno aan sharci ahayn.
3) Ayadoo niyad jabinaysa maalgashiga gudaha ee ganacsatada Somaliland ay samayn lahaayeen.
4) Ayada uu daciifo dhaqaalaha dalku, shaqooyin badana lagu waayo. Sicir bararkuna cirka isku shareero.
5) Ayada oo Caalamku inoo arko dad aan u qalmin dawladnimo, had iyo jeerna u dhaga nugul dawladaha kale ogolna fargalinta.
Gunaanadkii waa in dawlad iyo shacab gacmaha la is qabsado, goonyaha la iskataago oo la ilaashado qarnimada qaaliga ah, dhismaha dalkna loo tafaxayto, ganacsatada dalka ee ku dhiiratay inay dalkooda maalgashadaana loo sahlo ganacsiga lana dhawro loo hiiliyo,gaashaana dawladu u noqoto sida dawladaha kaleba yeelaan.