Hogaamiyihii Dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika Oo Is Casilay
April 3, 2019 - Written by Berbera Today
Aljeris(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo, sidaasi waxaa iclaamisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa dowlada Algeria.
Ku dhawaaqistan ayaa ka danbeysay kaddib lix todobaad oo ay shacabka dalkaasi ku madaaharaadayeen guud ahaan dalka oo dhan, iyaga oo ku cadaadiyay in madaxweyne Boutiflika uu xilka isaga dago.