Xildhibaan Sheegay In 12 Wiil Ay Gabadh Ku Kufsadeen Boorama
April 4, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay dhibaatada ay Dhallinyarrada koox-kooxda u abaabulan ku hayaan amniga Magaalooyinka dalka iyo Falalka ay habeenkii ku kacaan.
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka qayb-galay Dood Mudaneyaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Arrimaha gudaha ee Dalka, ayaa sheegay in dhallinyarada kooxaha u abaabulan ay xilligan yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku haya Amniga, isagoo tusaale u soo qaatay fal fool-xun oo koox dhallinyaro ah ka geysteen Magaalada Boorama.