“Maxkamadda Somaliland Hadii Ay ka Garnaqayso Axmed Geele Wuxu Sheeganayo Iyo Waxa Loo Sheeganayo Sax Ayaan U Arkaa”Cali Guray.
April 5, 2019 - Written by admin
U HiiLI WALAALKA GAR IYO GARDAROBA!
Gari Allay taqaane Axmed Cismaan Geelle waxna wuu sheeganayaa waxna waa loo sheeganayaa. Maxkamadda Somaliland hadii ay ka garnaqayso wuxu sheeganayo iyo waxa loo sheeganayo labadaba sax ayaan u arkaa. Hadii ayse tahay waxa ka maqan maxkamadda kale oo Jabuuti ah ayaa qaaday oo go’aan ka gaadhay ee keliya wixii loo haystay ayay maxkamadda Somaliland ka garnaqaysaa taasi maaha cadaalad dulmina waxay ku tahay Axmed Cismaan Geelle.
