berberatoday.com
Akhriso”Warbixin Ku Saabsan Baanka BCIMR Oo Baadhida Lagu Sameeyay Iyo Cida Saamiga Ugu Badan Ku Leh
April 6, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Berberatoday.com)-Waxaanu Warbixin kooban ku eeggaynaa Baanka BCIMR ee dawladda Djibouti sheegtay innuu yahay Baanka daynta ku lehGanacsaddaha reer Somaliland Axmed Cismaan Geelle Arab, taasoo ah been abuur cad oo aan sal iyo raad toonna lahayn.

Waxaan 24 saacadood ee ugu danbeeyay baadhitaan ku samaynaayay bangiga Banque pour le Commerce et l’Industrie – Mer Rouge, oo loo soo gaabiyo (BCIMR). Cidda leh? Sida loo maamulo? iyo Halkuu ka diiwangashan yahay.

Bangiga waxaa %70 saamigiisa leh qoyska madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaciil Cumar Geelle, xaruntiisuna waxay ku taalla magaaladda Djibouti, %30 waxaa leh laba ganacsade oo u dhashay dalka Yemen.

Gebi ahaanba Bangigu wuxuu leeyahay laba xarumood mid Jibouti ku taalla iyo mid yagleel ah oo ay sannadkii 2009 kii, ka furteen Hargeysa, waa been aan sal iyo raad toona lahayn in Bangi BCIMR la
yidhaahda uu xarun ku leeyahay dalka Faransiiska,ama laga leeyahay dalka Faransiiska balse BCIMR wuxuu ka diiwan-gashan yahay suuqa sayladda ee magaaladda Paris.

Waxaannu xidhiidh la samaynay qaybta diiwaanka Hay’addaha maaliyadda ee sayladda ugu weyn dalka Faransiiska ee loo yaqaano, Euronext Paris, si aan u ogaano cidda ku diiwangashan saamiga Bangiga BCIMR, waxaana Euronext Paris ay xaqiijiyeen in bangiga BCIMR uu saamiyadiisa maamulo Mr. Nyckoss, Tommy Tayoro, oo ay dhalashadiisu tahay dalka Ivory Coast, isla markaana ay u dhaxday mid ka mid ah hablaha Madaxweynaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle.

Sida lagu sheegay bogga bangiga BCIMR, %51 saamiga Bangiga waxaa leh Bangi kale oo la yidhaahdo Bred oo ka diiwan gashan dalka Faransiiska, balse waxaan ogaaday in Bangigaasi uu shan sanno ka hor iibsaday %20, saamiga BCIMR, balse uu dib iskaga iibiyay saamigaasi,kadib markii uu ka baqday baadhitaan kaga yimaadda waaxda dabagalka shuruucda ee Banque De France.

Si kastaba ha ahaatee, Baankan BCIMR waa Bangi ka jira dalka Djibouti oo ay Saamiga ugu badan ku leeyihiin Qoyska Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, manna jirto sida ay sheegayaan innuu Xarumo ku leeyahay dalka Faransiiska.

 

 

 

Sources Hadhawanaagnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews