War Deg Deg Ah”Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xil Umagacaabay Haweenay Jufadiisa Hoose Ka Soo Jeeda
April 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-292/042019 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.