berberatoday.com
Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Wacad Ku Maray Inuu Sii Wadayo Deegaameynta Daanta Galbeed
April 7, 2019 - Written by admin

Telaviv(Berberatoday.com)-Raisal Wasaaraha Israa’iil Benjaamiin Nataniyahu ayaa wacad ku maray haddii markale la doorto inuu deegaanno kale oo ay Yuhuuddu leedahay uu ka dhisayo dhulka Daanta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.

Dadweynaha Israa’iil aya Talaadada u dareeraya cod bixinta doorashada waxaana Mr Netanayahu tartan adag kula jira xisbiyo ay siyaasaddoodu tahay gacanta midig oo taageersan qayba ka mid ah daanta galbeed in deegaanno laga dhiso.

Deegaameynta ay Israa’iil sameeyneyso ayaa sharci darra ah marka loo eego shuruucda caalamiga ah balse Israa’iil waa ay khilaafsan tahay taa iyada sheegato iney sharci ku socoto.

Bishii hore wuxuu Mareykanku sheegay in la gaaray xilligi Israa’iil loo aqoonsan laha Buuraha Golan ee ay ku qabsatay dagaalkii 1967-kii iney Israa’iil leedahay.

Israa’iil deegaammo ay ka dhistay Daanta Galbeed waxaa deggan 400,000 oo Yahuud ah, halka Bariga Quddusna ay deggan yihiin 200,000. Daanta Galbeed waxaa ku nool Falastiiniyiin gaaraya 2.5 Milyan.

Falastiiniyiinta ayaa doonaya iney dowlad ka sameeystaan dhulalka ay Israa’iil xoogga ku haysata ee Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Marinka Qaza.

Khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiin muxuu inta badan salka ugu hayaa deegaannada ay Israa’iil dhiseyso. Falastiiniyiinta ayaa waxay aaminsan yihiin inta ay Israa’iil dhulka ay xoogga ku haysato ay ka waddo deegaanno iney ka dhisto iney suuragaleyn Dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin iney dhisanto.

Israa’iil waxay sheegtaa Falastiiniyiintu iney arrimaha deegaameynta ay wax walba ka horreysiiyaan taasoo caqabad ku noqotay in wadahadallo toos ah la galo

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews