Sirta Heesta Isha Sacabka Mari! Qalinka Khadar-Jacayl
April 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Allaah naxariistii janno ha ka waraabiyo Cabdiqaadir Xirsi Siyaad oo ku magac dheeraa (Yamyam), ayaa intii uu noolaa wuxuu ka sheekeeyey qisada Heesta Isha Sacabka Mari ee ay ku luuqayso fannaanadda caanka ah, Allaah cimriga iyo caqliga-ba ha u barakeeyee Khadra Daahir Cige.
Abwaanku wuxuu sheegay in qisadda heestu ku timi sheeko uu nin saaxiib ahayeen uga sheekeeyey. Kadibna ninkii intii uu sheekadda ku jiray ilmo ka timi. Islamarkaanna uu sawirtay ninkii oo qalfoof laga dhigay, xiddidadiisunna u ekaadeen geed qalalay oo abaarsadday.