Qosolka Soddon Daqiiqo Oo Xidhiidh Ahi Muxuu Sababaa !
April 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cilmi baadhis natiijadeeda uu baahiyey Machadka Riza ee cudurada nafsiga ah ayaa lagu sheegay in qosolka muddo 30 daqiiqo oo xidhiidha ahi uu tilmaan wanaagsan u yahay qaabka iyo shaqada xubnaha jidhka iyo bad qabkooda.
Dhakhaatiirta diyaarisay cilmi baadhistan ayaa waxa ay sheegeen qosolka joogtada ah ee muddo 30 daqiiqo ah uu ka qayb qaato hurdada qofka isla markaana uu qofku si wanaagsan u seexanayo, sidoo kale waxa qosolkaasi uu ka qayb qaataa habsami u socodka shaqooyinka waddnaha beerka iyo sambabada.