“Somaliland Iyo Soomaaliya, Waxay U Baahan Yihiin Gole Caalami Ah Oo Ay Ku Garnaqsadaan Iyo Awood…..” Maxamed Cabdilaahi Cumar
April 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah ergayga gaarka ah ee gobalka Geeska Afrika u qaabilsan hay’adda caalamiga ah ee Centre for humanitarian dialogue, ayaa khudbad ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ka jeediyay madasha caalamiga ah ee Chatham House ee dalka Ingiriiska.
Dr. Maxamed, ayaa waxa madasha ku weheliyay oo buug uu ka qoray arrimaha dalka Soomaaliya ku soo bandhigay ergaygii hore ee Qaramada Midoobay Michael Keating, waxaanu halkaas ka jeediyay Mr. Keating khudbad ku saabsan Soomaaliya iyo wixii uu Muqdisho ku arkay.