Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Berbera Kula Kulmay Madax-dhaqameed Kasoo Kici Timay Gobolka Sanaag
April 9, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa magaaladda Berbera kulan kula qaatay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.
Ugu horayn Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay xukuumadda Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa xukuumaddu sida weyn ee ay noosoo dhaweeyeen waxaanu nahay wafti ballaadhan oo Madax-dhaqameed ah kana soo kicitimay deegaano hoos yimaadda gobolka Sanaag”.
Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal kooban u jeediyay madax-dhaqameedkaasi ayaa yidhi “Waxaan si maamuusleh usoo dhaweynayaa Madax-dhaqameedkan miisaanka leh ee kasoo kici timay gobolka Sanaag, Waxaan leeyay ku Soo dhawaadda gurigiini labaad, socdaalkiinanina waxa uu muujinayaa sida ay isugu xidhan yihiin shacabka Somaliland”.