Daawo Muuqalka”Wasiirka Difaaca Dalka Sudan Oo Cadeeyay Inay Ciidamadu Hogaaminta Dalka La wareegeen Madaxweynihii Xabsi Guri Amaana Kuhayaan, Mudo Laba Sano Ahna Dalka Hogaamin Doonan
April 11, 2019 - Written by admin
Khartum(Berberatoday.com)-Wasiirka gaashaandhigga Sudan, Awad Mohamed Ahmed Ibn Auf ayaa taleefishinka qaranka dalkaas ka sheegay in ciidamada ay xukunka ka qaadeen islamarkaana xidheen madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.
“Waxaa aniga oo ah wasiirka difaaca ku dhowaaqayaa in xukunka laga tuuray taliskii islamarkaana madaxii taliska meel ammaan ah lagu hayo” ayuu yidhi Ibn Auf.
Waxa uu sheegay in milatariga ay xaalad deg deg ah geliyeen dalka, islamarkaana dhiseen guddi maamula dowladda muddo laba sano ah.