Madaxdhaqameed Kulan La Qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi
April 11, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti Madax-dhaqameed ka soo kicitimay Bariga Sanaag oo uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaana soo dhaweynta weftiga ka qayb qaadanayey Wasiirro,Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo xubno kale oo ka tirsan Xuukuumadda Madaxeyne Biixi. Ujeedadooda ayaa sidoo kale lagu sheegay isla xisaabtan iyo dadaallo bulshadani qaybtooda kaga ahaanayso Somaliland.
Ugu Horeyn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Caddaaladda Somaliland waxaanu sheegay “Weftigu waxay ka yimaadeen laba gobol; waa gobolka Sanaag oo qayb kamid ahi ay Ceerigaabo kasoo kicitintay iyo gobolka Badhan oo qayb kamid ahi ilaa Ceelaayo ilaa Dhahar ayey ka soo kaceen waa dhulka xadku maro iyo meelaha u dhow, waxaan u malaynayaa in hawlihii xadkuna inay iska soo dhammaadeen .”Ayuu yidhi Wasiir Cabdirasaaq