Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Safiirada Iyo Madaxda Shisheeye Ee Booqashooyinka Ku Yimid Somaliland
April 13, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa guul diblomaasiyadeed ku tilmaamay wufuuda shisheeye ee isugu jira safiirada iyo madaxda kale ee dhawaanahan socdaalada ku imanayay Somaliland.
Danjire Cawil, oo Geeska Afrika uu weydiiyay macnaha ay diblomaasi ahaan yeelanayaan wufuudan shisheeye ee dalka imanaysaa, wuxuu sheegay inay muujinayso in Somaliland noqotya meel aan indhaha laga qarsan karin, “Horta dawlad iyo dalba qiimihiisu wuxuu ku xidhanyahay marba wufuuda timaada iyo dawladaha soo booqda. Tusaale ahaan sannadkii 1974 wuxuu ahaa sannadkii ugu wanaagsanaa siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo wakhtigaas waxay dawladii Siyaad Barre maraysay heerkii ugu sareeyay oo waxa soo booqan jiray wufuud tiro badan oo shisheeye, waana wakhtigii ay Cumar Carte Qaalib iyo Wasiirkii arrimaha dibadda ee Saambiya ku tartamayeen xoghayaha guud ee ururkii Afrika ee OAU.”