Prof Heino Falcke oo ka tirsan jaamacadda Radboud ee Netherlands oo tijaabada hindisy ayaa BBC-da u sheegay in godkaa madow laga helay bah-meereyaal la yidhaa M87.
“waxaanu aragnay wuu ka weynyahay hab-meeraha qorraxdeenna” ayuu yidhi.
“Wuxu cufkiisu ka weynyahay qoraxda 6.5 bilyan oo goor, waxaana godadka madow ee ugu culus ee aanu filayno kuwa jira. Waa bahal aad u weyn oo ah ka ugu culus godadka modow ee dunida ka jira”
Sawirka waxa ka muuqda “dab aad u ifaya oo ku wareegsan” sida uu sheegay Prof Falcke waxa ololkaasi si fiican ugu wareegsanyahay god madow. Ololkaa iftiimaya waxa sababay neefta aadka u kulul ee godka galaysa. Iftiinkaasi wuu ka nuur badanyahay wadarta balaayinta xidigood ee ku yaal bah-meeraha uu ku yaal, waana sababta masaafada fog ee dhulka ah looga arki kao.
Gedaanka goobada modow ee dhexda ku jirta ayaa ah goobta ay neeftu ka gasho godka madow, kaas oo ah walax cuf isjiidadkeedu aad u weynyahay, xataa ilayska ayaan dhaafi karin.
Sawirku wuxu waafaqayaa muuqaalladii male awaalka ahaa ee ay sayinisyahannada iyo filim sameeyeyaasha Hollywood ka haysteen, sida uu sheegay Dr Ziri Younsi oo ka tirsan jaamacada University College Lodon, oo qayb ka ah iskaashiga EHT.
“In kasta oo marka si loo eego ay yihiin walxo yar yar, hadana godadka madoobi waxay carinayaan su’aalo adag oo la iska weydiiyo wakhtiga iyo meesha iyo ugu dambayn jiritaankeenna” ayuu yidhi.
“Waa wax lala yaabo in sawirka aan aragnay uu aad ula mid yahay wixii ka soo baxay xisaabihii male awaalka ahaa. Ilaa taaan waxa muuqata in Einstein saxnaa”.
Sawirkan koobaad wuxu cilmi baadheyaashaa u fududayn doonaa in ay wax badan ka ogaadan walxaha qariibka ah. waxay aad u darsi doonaan siyaabaha godka madoobi kaga duwan yahay wixii cilmiga fiisigisku u haystay. Cidnina hubaal uma garanayso waxa dhaliyay iftiinka ololaya ee godka ku gedaaman waxa abuura. Xataa waxa kale oo xiise leh su’aasha ah waxa dhici kara marka walaxi ku dhacdo godka madow.
Waa maxay godka madoobi?
Godka madoobi waa meel ka mid ah hawada sare oo aan waxba ka gudbi karin, xataa ilaysku
Walow magacu tilmaamayo god, hadana ma aha kuwo madhan ee waxa ka buuxa maatar badan oo bed yar aad ugu cufan, waxaanay taasi siisay cuf jiidad aad u badan.
Meeshani waa meel ka shishaysa godka madow oo la yidhaa Event Horizon. Goobtaasina waa “barta aan laga soo noqon” oo ay adag tahay in cuF jiidadkeda laga muruxsado.