Xukumada Somaliland Oo Ogolaatay In Waraqaha Go Home Lagaga Dhoofo Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Ilaa Muqdisho
April 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbashay Warqadda Go Home oo ay joojisay muddo ku siman sanad ka hor sida uu ku warramay wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan telefishanka Goobjoog.
Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay soo celinta adeegsiga warqadda Go Home ee Soomaaliya loogu noqdo laakiin, waxa jira hoos u dhac laga dareemay madaarka Hargeysa oo ah kan kaliya ee Somaliland ka shaqeeya.