“Muuse Waa Ka Mid Dadkii Hantida Qaran Iyo Danta Guudi Ku Maqnayd Ee. Ma Ahayn Maanta Inuu Hablo iyo Maato Ka Oohiyo”Maxamed Baashe Xaaji Xasan
April 20, 2019 - Written by Berbera Today
“Hantidii danta guud ahayd mid dhisnayd iyo dhulba ee Ingiriisku ka tegey, dawladihii rayadka iyo tii milateriga ahaana ka nabad gashay ee ay weliba dayactiri jireen, waxa diirtay oo qallaylka ku xagtey xukuumadihii Muuse Biixi ka horreeyey oo tii Axmed Siilaanyo ugu darnayd.
Xukuumadda Muuse Biixina waxa ay u soo dhigatay hantidii shacabku lahaa oo dhulkii bay dadkii lahaa ku haysataa!