Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Wax-Garad Kasoo Jeeda Bariga Sanaag Iyo Gobolka Badhan
April 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha J Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa.
Hadhimadan uu madaxweynuhu ku maamuusay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Badhan iyo Sanaag Bari oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo waxgaradka kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan.