Xadka Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Xidhay Iyo Sababta
April 23, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Goobta kali ah ee ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Isniintii la xidhay.
Waxaa furnaa oo kaliya ah deegaanka ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Bure-Assab.
Lamana garanayo sababta ka dambeysa in la xidho xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
