Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Heshiis Ka Gaadhay Arimaha Doorashooyinka Xisbiga Wadanina Ku Tilmaamay Inaanu Doorasho Diyaar U Aheyn
April 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ayaa sheegay in ay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay saddexda xisbi sidaa darareed labadooda oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya.
* Qodobada lagu heshiiyay waxa ka mid ah in guddidan doorashada ee hadda joogaa ay sii wadaan hawlaha ka horreeya doorashada, marka wakhtigoodu dhammaadana la soo magacaabo guddi doorasho oo 7 xubnood ka kooban.
Labada xisbi ayaa ku eedeeyay xisbiga Waddani in aanu diyaar u ahayn doorasho wakhtigeedii ku dhacda.
