Boqortooyada Sacuudiga Oo Si Silaca Ku Dishay Maxbuus
April 24, 2019 - Written by Berbera Today
Riyad(Berberatoday.com)-Maxbuus Sacuudiga ku xidhnaaa ayaa la silac dilay, sida ay ku warrantay warbaahinta qaranka ee Sacuudiga.
Ninkan ayaa ka mid ahaa 37 ruux oo Salaasadii la daldalay iyaga oo loo haysto falal argagixisanimo.
Warka ay dawladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in raggan lagu helay “in ay qaateen afkaaro xagjirnimo, in ay abuureen shabakado argagixiso iyo in ay wax u dhimeen ammaanka iyo nabadgalyada bulshada”.
Mid ka mid ah dadka dilka lagu fuliyay ayaa jiray 16 sano oo kali ah markii la soo xirayay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International.