berberatoday.com
Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Magaaladoodii Oo Holceysa Lacag Badan Ka Sameeyay Qashinka
April 25, 2019 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dhallinyaro dhalasho ahaan ah Soomaali oo maskaxda tuujiyey ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ay dhaqaale ku helaan, dad kalena shaqo ugu abuuraan, isla markaana wax uga beddalay nolosha dad badan oo dan’yar ah.

Dhallinyaradan ayaa qashinkii bannaannada daadsanaa u beddala fursadahaas aan kor ku soo sheegnay iyo waliba kuwo kale sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho oo booqday warshad dib loogu habeeyo qashinka oo Muqdhisho laga hirgeliyey.

Haddaba, Maxamed oo idaacadaasi la hadlay ayaa waxa uu yidhi, “Mashiinno waaweyn ayaan adeegsannaa qashinkii iyo caro ayaa la isku daraa iyadoo cilmi la adeegsanayo” ayuu yidhi Maxamed Xasan oo ka mid ah dhallinyarada la timid qorshaha qashinka loogu beddalayo waxyaabaha qiimaha leh. Waxaanu intaasi ku daray, “Qashinka aan warshadaynno waxaan ka samaynaa jaajuur, jilayga iyo marmarka”.

Dhallinyaradan ayaa hal abuurkan ganacsi la yimid iyadoo magaalada Muqdisho iyo dhulka Soomaalida ay ka soo yeedhayaan cabashooyin badan oo la xidhiidha in shaqo la’aan baahsan ay ka jirto.

Arrintan ayaa iftiiminaysa in fikir wanaagsan oo cusub oo lala yimaado ay ka dhalan karto dhaqaale iyo bulshada oo wax lagu soo kordhiyo.

“Waxyaabahan aan farsamaynno waxa iibsada dan’yarta iyo dadka dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay, gawaadhi badan ayaa hadda warshada taagan oo la raraya”. ayuu yidhi Maxamed.

Marka laga soo tago dhaqaalahaha ay dhallinyaradani helayaan waxa jira faa’iidooyin dhawr ah oo hal abuurkan ganacsigu uu la yimid waxaana ka mid ah in dhallinyaradani ay shaqo siiyeen dad dan’yar ah.

“Meelaha qashinka ayaan soo maraa ka dibna warshadda ayaan keenaa kiilo kiilo ayaa la ii xisaabiyaa, markaan isku dardarsanay boqol iyo konton kun oo shilin maalintii waan ka helaa, alxamdulilaah” ayey tidhi Muslimo Cabdiraxmaan oo toddobo sano ku jirtay xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

Muslimo oo lixda subaxnimo shaqo gasha ayaa BBC-da u sheegtay in aanay marnaba ku fikirin in qashin loo beddali karo wax manaafacaad leh.

“Jasiira oo qashinka oo dhan lagu soo daadiyo ayaan tagaa, ka dibna waxyaabaha la soo daadiyey ayaan kala xushaa, marka aan warshadda geeyana lacagtayda ayaa farta la iga saaraa” ayey tidhi Muslimo

Magaalada Muqdisho iyo harreeraheeda ayaa qashinka xal looga la’yahay, waxayna u muuqataa in warshaddan ay wax wayn ka tari doonto arrintaas, sida uu qabo Maxamed Xasan.

“Gayiga aan ku nool nahay waa mid xeebeed, xeebihii quruxda badnaana waxay isu beddaleen qashin qub, marka waxaan hiigsanaynaa in ay noqdaan meel nadaafaddeedu wanaagsan tahay oo qurux badan.” Ayuu yidhi Maxamed.

Inkastoo aanay sahlanayn in qashin qubka laga dhex arko furmad dhaqaale laga samayn karo haddana dhallinyaradaas waxay hiigsanayaan in ay warshadahoodan sii ballaadhiyaan, isla markaana ku soo kordhiyaan mid koronto ka dhalisa qashinka.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews