berberatoday.com
Komishanka Xuquuqul Insaanka Oo Sheegay In Boolisku Iyo Suxufiyiintu U Baahan Yihiin Tababbaro
April 25, 2019 - Written by Berbera Today

“Booliska Iyo Warbaahintu Waxay U Baahan Yihiin Inay Isla Qabsadaan Oo Ay Wada Hadlaan Oo Midna Aanu Midka Kale U Qaadan Cadow, Waayo…”-Maxamed Baaruud

Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland Mudane Maxamed Baaruud Cali, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska iyo Suxufiyiintuba ay tababbar u baahan yihiin xagga hab dhaqanka ah.

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland Mudane Maxamed Baaruud Cali, ayaa arrintan kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey Bulsho TV, waxaanu Guddoomiyuhu ugu horreyn ka warramay qaladaadka ay ku kacaan Booliska iyo Suxufiintu iyo qorshay ay komishan ahaan ka leeyihiin, waxaanu yidhi “Qaladaad ayaa ka dhacaya dhinac walba haddii ay yihiin Ciidanka Booliska ama Warbaahinta, labaduba tababbar ayey u baahan yihiin, labaduba waxay u baahan yihiin inay isla qabsadaan oo ay wada hadlaan oo midna aanu midka kale u qaadan cadow, waayo annaguna Komishanka Xuquuqul Insaanka ahaan waxaanu ku gudo jirnaa tababbaro aanu siino waanay naga ogolaadeen Boolisku”.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay ujeedada tababbarkaasi iyo ahmiyadda uu leeyahay ba, “Tababbarkani waa Xuquuqul Insaanka oo ah sida marka la qabanayo dadka loola dhaqmayo oo ay ugu muhiimsan tahay dadkaa marka la qabanayo in si sharci ah loo soo qabto oo waddadii sharciga aheyd loo soo maro oo aan qofka layska qaban karin, waxay dadku ku xusuustaan wixii berrigii hore soo maray in aan lagula kicin”. Waxaanu intaasi ku daray, “Suxufiyiinta laftigoodu waxay u baahan yihiin inay tababbar yeeshaan oo ay hab dhaqanka Warbaahinta iyo Suxufinimada ba ay aad u bartaan, waxaana laga yaaba in labadoodaba ay ku xeeran yihiin durruufo dhaqaale oo aanu waqtigu siin, hase ahaatee dedaal badan ayaanu ka wadnaa taasi waxaana ugu muhiimsan inay dadku wada hadlaan”.

Maxamed Baaruud waxa kale oo uu ka hadlay baraha bulshada iyo saameynta ay leeyihiin, “Waxa inagu soo biiray imika waxan la yidhaa Baraha Bulshada oo qof waliba waxa uu doono uu ku hadlayo, taasina way ka dheeraysay shuruucdii la sameynayey ee dawladaha oo inaga oo qudha maaha oo waxa yaaban dawladaha horumaray, waxaana horumarkii dadka ka dheereeyey horumarkii tignoolajiga, taasi ayaana keenaysa inuu qof waliba waxa uu doono uu ku hadlo oo awal waxa u hadli jiray qof u tababbaran, taasoo aan haatan jirin”.

Dhinaca kalena, Maxamed Baaruud waxa uu talooyin u gudbiyey Booliska iyo Suxufiyiinta, “Aniga waxay ila tahay dalka waa lawada ilaashanayaa Boolis iyo Suxufiyiin ba, laakiin hab dhaqankii ayaa la doonayaa in laysla jaanqaado oo aanay qolona qolada kale cadow u qaadan, taasina annagu waanu ku jirnaa oo waanu ka shaqeynaynaa”.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Xuquuqul Insaanku waxa uu ka hadlay kaalinta ay warbaahintu kaga jirto Qaranka, “Anigu waan aqoonsanahay oo waan ogohay in warbaahintu ay tahay tiirka afraad ee Qaranka, balse dad badan ayaan sidaasi u ogeyn, markaa warbaahinta la’aanteed dawladnimo haggaagsani ma jirto”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xuquuqul Insaanka Somaliland

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews