Dalka Qubrus Nin Ku Sugan Oo Qirtay In Uu Dilay Toddobo Dumar
April 26, 2019 - Written by Berbera Today
Nin Qubrus ku sugan ayaa qirtay in uu dilay toddobo dumar ah iyo gabadh,
arrintaas oo warbaahinta gudaha ee dalkaasi ay ugu yeertay “ninkii ugu horreeyay ee dad badan laaya”.
Qubrus(Berberatoday.com)-Labo mayd ah ayaa la helay bishan horraanteedii, mid saddexaadna Khamiistii.
Ninkii looga shakiyay oo ah askari ka tirsan ciidammada Qubrusta Giriiga oo 35 jir ah ayaaba qirtay in uu kuwo kalana laayay.
Booliiska ayaa hadda raadinaya maydadka dumarka kale, iyaga oo ka shidaal qaadanaya xogta uu bixiyay.