Maxaa Lagaga Hadley Kal-Fadhigii 33-Aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland ?
April 26, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii 33-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/04/2019, warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, horumarinta beeraha iyo horumarinta Biyaha.
Ugu horayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey arrimaha dhaqaalaha dalka isagoo wasiirku isbarbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay.