berberatoday.com
Ruushka Oo Danjire Cusub U Soo Magacaabay Dalalka Soomaaliya Iyo Jabuuti
April 26, 2019 - Written by Berbera Today

Moscow(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin waxa uu shalay soo saaray 2 Wareegto uu ku soo magacaabay Danjire ee Raashiya wakiilka uga noqon doona dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Macluumaadka Qaanuuniga ee dalkaasi waxaa Danjiraha cusub lagu magacaabaa Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof

Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof waxa uu tan iyo sannadkii 2013-kii ahaa Qunsulkii Guud ee Dowladda Raashiya u joogay magaalada Cinaabat ee Bariga dalka Algeria.

Dowladda Raashiya wax Safaarad ah kuma laha Soomaaliya.

Dhinaca kale Lama shaacinin Rugta Diplomaasiyadeed ee rasmiga ee uu Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof ka hawl-geli doono inay tahay Soomaaliya ama Jabuuti, iyadoo inta badan Danjirayaasha loo soo magacaabo inay Dowladooda u matalaan laba Waddan ay Rug Diplomaasiyadeed ama Safaarad ku yeeshaan mid ka mid ah Waddamadda loo soo magacaabo

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews