Al Shabaab Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhiga Ciidamada DF Ee Deegaanka SABIIB Iyo Khasaaraha,
April 27, 2019 - Written by Berbera Today
Afgooye(Berberatoday.com)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya weerar xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ku qaadeen saldhiga deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka oo dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen, islamarkaana uu tagay madaxweyne Farmaajo.
Dadka deegaanka Sabiid ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya Ururka Al Shabaab iyo ciidamada dowladda uu muddo halkaasi ka socday, waxaana jira khasaaro soo gaaray dhinacyada dagaalamay.