Kenya Oo Safiir Buuxa U Soo Magacaabeysa Somaliland
April 27, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska The standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa cadadkiisii khamiistii baahiyay in dawladda Kenya ay ergay gaar ah u soo magacaabayso xafiis ay doonayso inay ka furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Wargeyska oo soo bandhigay magacyada safiiro kala duwan oo ay Kenya qorshaysay inay dunida u kala dirto, ayaa waxa sida uu wargeysku sheegay ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma, qorshaysay in danjire Githiora Philip Mundia uu noqdo ergayga Kenya oo uu xafiis ay Kenya leedahay ka sameeyo caasimadda Somaliland.