“Madaxweyne Muuse Waxaad Mooda Inuu Taliskii Ciidanka Afraad Weli Xukumayo….” Suldaanka Guud Ee Somaliland
April 27, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, waxaanu ugu baaqay inuu mar walba wanaag, tixigelin iyo cadalaad umadda ugu adeego, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda tixgaliyaan.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay sida wada jirka ah u gaadheen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Go’aankan la gaadhay maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan Xisbiyadu ku wada socdaan in la gaadho ayaa loo baahan yahay,laakiin maaha inay kala socdaan, oo kala fogaadan, Komishan laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan nahay, ee ha la simo, oo Xisbiyadu ha u sinaadan”.