Xogo Laga Helay Kulan Dhexmaray Kulmiye , Ucid Iyo Komishanka Doorashooyinka
April 27, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa shalay shir doceed ay albaabadu u xidhanayeen oo saddex-geesood ah ku wada yeeshay xarunta guud ee komishanka Doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ka yimid kadib markii ay dorraad labadan xisbi soo bandhigeen nuxurka heshiis-yo dhex maray iyo go’aamo la xidhiidha qaddiyadda doorashada.
Kulankan saddex geesoodka ahaa ee ay wada yeesheen labada xisbi ee KULMIYE,UCID & Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid ay saxaafaddu debad joog ka ahayd, waxa uga qayb-galay xisbiga KULMIYE Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi dheere Guddoomiye xigeenka 2-aad ,Xasan Siciid Xoghayaha Guud, Cabdicasiis Samaale iyo xubno kale, halka ay dhinaca xisbiga UCID ku matelayeen, Musharax ku-xigeenkii xisbigaasi Axmed Cabdi Abyan, Prof Qaasin Tubeec, Axmed Xirsi Ducaale iyo afar xubnood oo kale.