Daawo Muuqalka”Shirkadda Telesom Oo Daah-Furtay Adeegga Cusub Ee WAAFI+Sawiro
April 30, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda Telesom ayaa maanta daah-furtay adeegga cusub ee WAAFI. Adeegga WAAFI oo ah adeeg casri ah oo kuu suurto gelinaya in aad “Hal Meel ka wada Hesho” dhamaan adeegyada kala duwan ee shirkadda Telesom bixiso sida Adeegga ZAAD, Xawaaladda TAAJ iyo Baanka Darasalaa.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta shacabka ee shirkadda Telesom, waxaana xafladaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, boodhka shirkadda, saamileyda shirkadda, marti-sharaf kale iyo shaqaalaha shirkadda Telesom.